Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Beijing

Published: September 3, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo dhiggiisa dalka Shiinaha iyo madax kale oo ka socota Qaaradda Afrika.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Horseed Media