War Degdeg ah: Rasaas xoog leh oo ka bilaamatey magaalada Garoowe

Published: June 20, 2023

Rasaas xoogleh ayaa ka bilaamatey magaalada Garoowe saacaddu markey ahayd 10:50 daqiiqo, kadib markii Xildhibaanada Golaha wakiilada ee Puntland ay maanta soo hormariyeen qodobkii muranku ka taagnaa ee furidda dastuurka.

Habeenkii xalay waxaa gudaha magaalada soo galey ciidamada la baxay Danab ee ka amarqaata Col Jimcale Jaamac oo hadda aan ku shaqeyn amarka Madaxweyne Deni. Ciidamadan ayaa aaagag badan qabsadey habeenkii xalay.

Rasaasta ugu culus ayaa ka dhacaysa aaga Hotel Galoobal oo ku dhaw Baarlamaanka.

Habeenkii xalay dad badan ayaa xaafadahooda isaga qaxay, waxaa go’an korontada, xaaladduna waa mid aan la ogeyn sida ay ku danbeyn doonto

Horseed Media