War ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa sheegaya in ay oggolaadeen furitaanka dastuurka

Published: June 20, 2023

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa meel-mariyey soo jeedinta xukuumadda Puntland in laga dhigo Xisbiyada siyaasadda shan xisbi, iyada oo loo marayo in la beddelo dastuurka qodobkiisa 46-aad.

Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane oo keliya oo ka tirsan 66 xildhibaan, dood yar kadib waxay u codeeyeen in soo jeedinta la oogolaado, 34 mudane oo oggolaadey, waxaa diidey hal mudane oo keliya.

Iyada oo fadhiga baarlamaanku socdo ayaa waxaa Garoowe ka bilowdey dagaal, kaas oo u dhexeeya ciidamo diidan in dastuurka la furo iyo kuwa amniga ee Puntland, waxaana weli taagan xiisadii maanta ka dhalatey soo jeedintii xukuumadda ee furitaanka dastuurka.

Horseed media