War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka Soomaaliya & dalalka deriska ah

Published: February 1, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda dalalka dariska la ah ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagaga arrin sanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagula dagaalayo Alshabaab, iyadoo madaxdu ay falan qeeyeen hannaanka fulinta qorshaha.

Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyey guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii ay kula wareegeen deeganno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

War murtiyeedka ayaa lagu xusey qodobo badan, oo ay kamid yihiin taageerista dowladda Soomaaliya, adkeynta xiliga kala guurka ee ciidamada ATMIS ay baxayaan, go’aan ku gaarista mideynta hawl galada ciidanka iyo waxyaabo kale oo fara badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey.

Horseed Media