WAR MURTIYEEDKA SHIRKII MUCAARADKA PUNTLAND

Published: October 11, 2023

Waxaa maanta la soo gebagebeeyey shirkii Mucaaradka Puntland, kaas oo ay ka so baxeen todoba qodob oo ay ka mid yihiin, wax ka beddelkii dastuurka, sida loo qabanaayo doorashada soo socota iyo qodoba kale, hoos ka akhri war murtiyeedka.

Taarikh: 11/Oct/2023
WARMURTIYEED:

Shir wadatashi oo ay isugu yimaadeen mucaaradka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, socdayna 10-11 Octoobar 2023 kana dhacay Caasumada Puntland ee Garowe, ayaa waxaa lagu lafo guray xaaladaha qalafsan ee Puntland soo foodsaaray, ayna ka midyihiin: arrimaha siyaasada, Aminga, Dhaqaalaha, Dastuurka iyo Dimugraadiyada, iyo arimaha doorashada Puntland ee 2024.

Falanqeyn dheer ka dib waxaa ka soo baxay qodabadaan soo socda:

  1. Markii shirku falaanqeyn iyo u kuur gelid dheer ku sameeyey arrimaha siyaasadda Puntland, waxqabadka iyo waajibaadkii shaqo ee xukuumadda loo igmaday, waxaa xaqiiqo noqotay inay labadii sano ee ugu dambeysey ka gaabisay waajibaadkeedii fadhiidna ay noqotay wax adeeg bulsho ahna aaney qaban; waxay Puntland gashay go’doon siyaasadeed oo heer qaran iyo heer caalami ah; xiriirka xumaaday ee Puntland iyo Dawladda Federaalka waa mid ku dhisan dano shakhsi taasoo saamayn taban ku yeelatay mashaariicdii horumarineed ee lafdhabarta u ahaa hormarka bulshada Puntland. Waxaa sidoo kale shirku garwaaqsaday in hannaankii Dawladnimo ee is-dheeli tirayey uu ku ururay gacanta madaxweynaha isla markaana siyaasadda xukuumadu ay ahayd mid ku dhisan kala irdheyn iyo kala qaybinta bulshada Puntland; kala aragti-duwanaan kastana ay kaga falceliso qori caaradiis taasoo keentay khasaare nafeed iyo mid maal.
  2. Shirku wuxuu si qoto dheer u daraaseeyey arrimaha amniga Puntland, waxaana u soo baxday inay xukuumaddu ku guuldaraysatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ay ururada xagjirka ahi ku hayaan amniga, ganacsatada, iyo dhaqaalaha; noocyada maandooriyayaasha oo ah aafo wadanka baabi’inaysaa; qulqulka ajaaniibta oo qayb ka ah dhibaatooyinka amni iyo keenidda mukhaadaraadka. Waxaa sidoo kale shirku garwaaqsaday in ay ahayd nasiib darro laga baaqsan karey dagaaladdii ka dhacay Bosaso, Garowe iyo Galkacyo, taasoo la isaga horkeenay ciidamadii lafdhabarta u ahaa Puntland ee Difaaca kuwada jiray
  3. Shirku wuxuu si xeel-dheer u daraaseeyey arrimaha dhaqaalaha Puntland waxaana xaqiiqa ah inuu jiro dhaqaale burbur bulsho oo baahsan kaas oo ay sal u tahay: ku tarkifalka dakhliga dawladda iyo deeqaha caalamiga ah oo danno gaar ah loo isticmaalo, lacagaha ay ururadda xagjirka ahi ka qaadaan ganacsatada iyo hay’addaha ilaalinta maaliyadda oo ka gaabiyey doorkoodii kadibna ay xukuumaddu ku guuldaraysatay inay bixiso xuquuqdii dastuuriga ahayd ee shaqaalaha iyo ciidamadda.
  4. Shirku wuxuu si qoto dheer uga dooday arrimaha dastuurka iyo dimuqraadiyadda Puntland, waxaana u so baxday in dastuurkii iyo xeerarkii kale ee Puntland u yaaley lagu xadgudbey si mas’uuliyad darro ah, in garsoorka, Barlamaanka iyo xukuumadu isku xafiis noqdeen, in madax banaani la’aanta Gudoonka Maxkamadda Dastuuriga ahi keentay niyad jab iyo kalsooni xumo ka dib markii ay ku guul darreysteen dhegaysiga iyo go’aan ka gaarista dacwadihii la horkeenay, Marin habaabinta iyo musuqmaasuqa lagu sameeyey nidaamkii dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan, kaasoo markii horeba ujeedka Madaxweynuhu ka lahaa ay ahayd marin habaabin bulsho, falkinta farsamo u sahli karta sii joogidda kursiga iyo muddo kororsi.
  5. Shirku wuxu daraasad dheer ku sameeyey arrimaha ku gedaaman siyaasadda cakiran ee doorashada Puntland 2024 iyo hubanti la’aanta qabsoomidda doorashada, taasoo ay saldhig u tahay damaca aan maangalka ahayn ee madaxweynaha, waxaana muuqata in aanu madaxweynuhu mas’uuliyad iska saareyn sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan, wadar oggol ah, ku qabsoonta wakhtigeedii nabadna ku dhacda.

Sidaas darteed, shirku markuu xaqiiqsaday jiritaanka dhammaan arrimaha kor ku xusan ee laga dooday, waxaana la isla qaatay in laga hortago burbur siyaasadeed iyo mid amni oo ku yimaada Puntland, waxaana shirka kasoo baxay qodobadaan soo socda:

  1. Waxka bedelka Dastuurka lagu sameeyey looma marin habraaca uu tilmaamayo Dastuurku, sidaa darteed laguma dhaqmi karo.
  2. Wuxuu shirku go’aamiyey in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taas oo aan ognahay wixii laga soo maray.
  3. Maadaama mudada xil haynta ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka harsan tahay muddo kooban, waxaa shirku isku raacay in doorashada keli ah la qaban karaa ay tahay 66dii xildhibaan ee beeluhu soo xulan jireen.
  4. Shirku wuxuu Isimadda Puntland ugu baaqayaa inay doorkoodii shariifka ahaa qaataan soona xulaan xubnihii Baarlaamaanka sida ugu dhakhsaha badan.
  5. Shirku wuxuu soo jeediyey haddii Dowladdu qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan dalku firaaq Dastuuri ah geli doonin.
  6. Shirku wuxuu bogaadinayaa halgankii iyo guushii bulshada SSC-khaatumo, wuxuuna soo jeedinayaa in la tixgeliyo rabitaanka bulshada SSC-khaatumo, waxaana bulshada kale ee Puntland ku boorineynaa inay laba-laaban taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay la garabtaanaayeen walaalohood.
  7. Shirku wuxuu bogaadinayaa dagaalka lagula jiro argagaxisada kaas oo ay hogaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn shirka wuxuu isku raacay dhisadda Dalladda Mucaaradka Puntland oo kooban:

  1. Madasha Siyaasadda ee Puntland
  2. Golaha Siyaasadda ee Badbaado
  3. Golaha Sarreynta Sharciga
  4. Madasha Samatabixinta Puntland
  5. Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada
  6. Urur Siyaasadeedka Mideeye
  7. Urur Siyaasadeedka Horseed
  8. Midowga Musharaxiinta Puntland
    -DHAMAAD-