WAR-SAXAAFADEED Galkacyo, Somalia Taariikh: 28 April 2024 KA: ISIMADA BEESHA CUMAR MAXAMUUD EE HOOS KU XUSAN…
WAR-SAXAAFADEED
Galkacyo, Somalia
Taariikh: 28 April 2024
KA: ISIMADA BEESHA CUMAR MAXAMUUD EE HOOS KU XUSAN KU: BEEL-WEYNTA CUMAR MAXAMUUD SALEEBAAN
KU: ISIMADA DHAQANKA BEELAHA HARTI KU: ISIMADA DHAQANKA BEELAHA DAAROOD
KU: ISIMADA DHAQANKA BEELAHA KALE EE SOOMAALIYEED
OG. WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA EE DAWLADDA PUNTLAND OG. WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DIB U HESHIISIINTA DFS
UJEEDDO: KALSOONI IYO GUDDOON KALA LAABASHO ISLAAN BASHIIR ISLAAN CABDILLE
Annagoo ah madaxda dhaqanka (Isimada) Cumar Maxamuud, kana tirsan beel-weynta Majeerteen, Harti, Daarood, fadhigooduna yahay gobollada Mudug, Nugaal ee Puntland iyo gobolka Doolo ee DDS waxaan halkan ku soo gudbinaynaa qoraalkan oo aan ugu tala galnay inuu gaaro dhamaan Soomaaliweyn.
1.0 Hordhac
Beesha Cumar Maxamuud waa mid kamid ah beelaha ugu mudan ee dega Goboladda Mudug iyo Nugaal ee Puntland, Gobolka Doolo ee DDS iyo guud ahaan geeska Afrika.
Beeshu waxay taariikh dheer oo dhaqan iyo siyaasadeed oo soo jireen ah ku lahayd dawlanimada Soomaaliya laga soo bilaabo halgankii xornimo-doonka ilaa dhismihii DPL iyo DFS ee maanta jirta. Sidoo kale beeshu waxay door muhiim ah ku lahayd difaaca dalka oo ay ugu danbaysay qeybtii libaax ee ay ka qaadatay halgankii dadka reer SSC-Khaatumo ay ku xoreysanayeen dhulkooda.
Beeshii taariikhdaas mugga-weyn lahayd waxay ku danbaysay in aanay ka muuqan kaalintii iyo dowrkii ay lahayd dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan labadaba taas oo sababteedu tahay in guddoonka dhaqan ee beesha Cumar Maxamuud uu gabay, gudanna waayay doorkiisii hogaaminta beesha.
2.0 SABABAHA KALSOONI IYO GUDDOON KALA LAABASHADA
Hoggaan dhaqan oo Cumar Maxamuud ku kalsoon yahay, kuna mideysan yahay, caddaalad ku sifaysan, waxa xunna ka xishooda waxaa ugu danbeeyay Islaan Cabdille Islaan Faarax (AUN), islaankaas sharafta badnaa, indheer garadkana ahaa waxaa bedalay Islaan Bashiir Islaan Cabdille shir guddoonna u ahaa isimada dhaqanka Cumar Maxamuud oo intii uu xilkaas hayay baal maray sifahaas hoggaamineed ee beeshu hiddaha u lahayd.
Hadaba annagoo ka xun inaan dhegihiinna iyo dhaayihiinna soo gaarsiinno, dantu haddeysan nagu qasbinna aan idiin quurneen waxaan halkan ku xusaynaa qayb kamid ah inta la xusi karo dhaliilaha, gefafka iyo godobta dhaqan iyo siyasadeed ee uu galay guddoonka beesha Cumar Maxamuud oo
horseeday burburka ku yimid beesha iyo in beeshu hoos uga dhacday mansabkii iyo maqaamkii ay ku lahayd heer Puntland, heer Daarood iyo heer Soomaaliyeed intaba.
2.1. Arimaha Dhaqanka
- Guddoonka dhaqan ee Cumar Maxamuud wuxuu khatar u arkaa midnimada iyo wadajirka beesha dhexdeeda, waxuuna wakhti badan galiyaa in aanay dhicin midnimo Cumar Maxamuud asagoo u arka inay halis ku tahay maslaxaddiisa gaarka ah.
- Waxaa meesha ka baxay talo-wadaaggii ay ahayd inay lahaadaan Guddoonka, Isimada iyo Nabadoonnada beesha Cumar Maxamuud, waxaana guddoonku ku beddalay talo marooqsi iyo ku tagrifal awoodeed.
- Guddoonku waxa uu gabay doorkiisii hoggaamineed ee beesha dhexdeeda ama beelaha kale iyadoo inta la og yahay taariikhda aysan marna dhicin in uu hoggaanku keeno wax hal-abuur hagaagsan ah iyo in guul laga gaaro xaajo beeshu leedahay oo uu guddoonku horseed u yahay.
- Waxuu guddoonku caadaystay maalinta ugu daran ee talada Cumar Maxamuud cakiran tahay, hogaamintiisana loo baahan yahay inuu ka dhuunto masuuliyadii laga sugayay, kana dhigo sidii inaysan waxba dhicin oo kale.
- Waxa uu kala qoqobay kalana qeybiyay beelaha Cumar Maxamuud dhexdooda isaga oo jifooyinka ka dhex samaystay dad beesha dhexdeeda looga yaqaan run-ma-sheegayaal uu u adeegsado qaab wardoon iyo kala fogaynta jifiyaha Cumar Maxamuud, arrintaasoo keentay kala shaki, kala aamin bax iyo inay lunto kalsoonidii iyo gacalnimadii beesha ka dhexeysay.
- Guddoonku wuxuu faragelin taban ku yeeshay arrimaha jifiyaha dhexdooda ah, isagoo caadaystay marka ay jifi dhisanayso Isim u gaar ah, inuu ka garab dhiso Isim aan ahayn kii ay beeshu ku heshiisay, sidaana uu ku samaysmo khilaaf ka dhex abuurma jifidda dhexdeeda, kaasoo ku biira khilaafaadkii badnaa ee uusan waligii xalka u raadin, khilaafkana ka dhigtay mid uu maal-gashado.
- Taariikhda intii uu jiray guddoonka hadda ee Cumar Maxamuud khilaafaadkii ka dhex dhacay beesha ee lahaa dhiig, dhaqan iyo dhaqaale ma jirin mid ka mid ah khilaafaadkaas oo uu u istaagay xallintooda, kana mira dhaliyay.
2.2. Arrimaha Siyaasadda
- Guddoonku waxa uu si ku talagal ah intii karaankiisa ah uu caqabado hor dhigay hankii siyasadeed ee ay lahaayeen siyaasiyiinta Cumar Maxamuud ee heer Puntland iyo heer Soomaaliyaba asagoo ka ilaaliyay fursad walba oo uu isagu saamayn ku yeelan karo inay ka faa’iideystaan, maadaama uu u arko in siyaasi Cumar Maxamuud ah oo mug iyo miisaan leh oo qabta hogaanka PL ama DFS uu khatar ku yahay ka ganacsigiisa siyaasadda.
- Guddoonku asaga oo aan la tashan isimada iyo nabadoonnada midna ayuu heshiis hoosaad kula galaa xubnaha siyaasadda ku matalaya Cumar Maxamuud ciddii uu markaas ka dhex arko maslaxaddiisa gaarka ee PL ama DFS taas oo sababtay in beesha Cumar Maxamuud ay waydo matalaad dhab ah oo u qalanta hanka iyo maqaamkii beeshu ku lahayd siyaasadda.
3.0 GO’AANKA ISIMMADA CUMAR MAXAMUUD
Isimada Cumar Maxamuud oo intii karaankooda ah dadaalaya waxay muujiyeen dulqaad badan, iyagoo in badan u nasteexeeyey Islaan Bashiir Islaan Cabdille si loo ilaaliyo wadajirka iyo midnimada beesha, nasiib darrose wuxuu kasii qaaday ku takrifal awoodeed, tixgelin la’aan iyo inuu dhagaha ka furaystay dhamaan wixii talo iyo naseexooyin ah ee loosoo jeediyay.
Hadaba, Isimada Cumar Maxamuud waxey garwaaqsadeen inaan Islaan Bashiir Islaan Cabdille ku maqnayn dan Cumar Maxamuud, horeyna uusan u qaban, hoggaamintiisuna ay tahay midda sababtay in uu hoos u dhaco maqaamkii beesha lagu yaqiinnay. Sidaa darteed isimada beesha Cumar Maxamuud ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin markay qiimeeyeen xaaladda beesha ee dhaqan, siyaasadeed, bulsho iyo wadajirka beesha oo khatar ku jira waxay isla gaareen qodobadan hoose:
- Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 29-April-2024 waxay Isimada Cumar Maxamuud ee magacyadoodu hoos ku xusanyihiin ay kala laabteen Islaan Bashiir Islaan Cabdille kalsoonidii iyo shir-gudoonkii uu u hayay beesha Cumar Maxamuud.
- Isimada beesha Cumar Maxamuud waxay ku wargalinayaan dhamaan beel-weynta Cumar Maxamuud iyo Soomaaliweynba in beeshu ay soo dooranayso wakhtigii ay munaasib noqoto shir-guddoon u qalma, iskuna wadi kara beesha khaladaadkii dhacayna sixi kara.
- Si uusan u dhicin firaaq dhaqan, waxay isimada si wadajir iyo wadatashi ah (Shuuraa) kusii wadayaan talada guud ee beesha, waxayna Isimada Cumar Maxamuud ku baaqayaan shirweyne looga tashanayo masiirka dhaqan ee beesha xilliga ugu munaasabsan ee suuragal ah.
- Waxaan uga digaynaa uguna baaqaynaa MD. Siciid Cabdullaahi Dani iyo Dawladdiisa inay ka waantoobaan faro-galinta qaawan ee ay kula dhex jirto dhaqanka beesha Cumar Maxamuud, aanna og nahay inuu qeyb ka yahay burburka ku yimid dhaqanka Cumar Maxamuud.
Horseed Media