Wararkii u danbeeyey ee xaaldda ismari-waaga doorashooyinka Puntland

Published: November 26, 2023
Shares36

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta oo Axad ah isugu yimid shirkoodi. Kadib markii maalintii Khamiista ee todobaadkii hore fadhigoodi uu hareeyey buuq.

Guddiga loo xilsaarey xeerka doorashooyinka ayaa soo jeediyey in la hakiyo xeerkaas maadaama waxyeelo u geysan karo amniga dalka. Taas oo keentey in afhayeenkii baarlamaanku banaanka shirka uga baxo.

Ilaa 34 Xildhibaan ayaa u codeeyey soo jeedinta guddiga oo ka koobnaa 11 xubnood.

Fadhiga maanta oo Axad ah ayaa warar ku dhaw sheegayaan in uu la xiriiro Raaligelin Afhayeenka Golaha Wakiiladu uu ka bixinaayo dhacdadii Khamiista.

Waxaa wararku sheegayaan in aan maanta laga hadleyn xeerkii guddigu laaleen.

Xildhibaano kale oo badan ayaa qaba in aan wax go’aan ah la soo saari karin inta Isimmada SSC-Khaatumo ay wadaan waan-waanta.

Maalintii shalay ee Sabtida waxaa Madaxtooyada ku kulmey, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash & shir-guddoonka golaha wakiilada.

Warar ku dhaw kulanka ayaa sheegaya in Shir-guddoonku ay la wadaageen Madaxeynaha sida ay arrintu u adag tahay. Marka la eego xeerhoosaadka Baarlamaankan in la meelmariyo xeerka doorashada.

Waxayna ku ballameen in xalaadda la dejiyo sida wax lagu socodsiin karo la sameeyo.

Dhanka kale Isimada SSC ee waan-waanta u yimid, ayaa sheegay in meel wanaagsan wax u marayaan, amnigu uu hagaagsan yahay, dadkuna is dejiyaan.

Waxay sheegeen in ay la kumeen Xukuumadda, Dallada Mucaaradka Xisabiyada xukuumadda taageersan iyo bulshada rayidka ah.

Haddana ay ku dhex jiraan arrimaha siyaasadda oo xalkii gacanta lagu hayo.

Waxaa dad badan is weydiinayaan Isimmada SSC-Khaatumo ma waxay soosaari doonaan wax ka duwan ilaa 29 Isim oo reer Puntland ah go’aamadii ay jeediyeen in xalka doorashada sidaas yahay?

Isimadii ugu badnaa ee Puntland ayaa 1 Nofeembar 2023 go’aamiyey in doorashada keliya ee dalku aadi karo ay tahay tii Madaxda haddajoogtaa ku yimaadeen. Xukuumadda soo socotana ay dhamaystirto barnaamijka xisbiyada.

Horseed Media