Wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha Turkiga oo bilaabatay

Published: May 28, 2023
Shares14

Codbixiyayaasha Turkiga ayaa goor-dhow u dareeray goobaha codbixinta, iyagoo dooran doona Madaxweynaha dalkaas xukumi doona shanta sano ee soo socota, kadib markii doorashadii 14-kii May la waayay musharrax gaara codadka lagu guulaysan karo.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa loolan adag kala kulmaya Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa ay wataan mucaaradka, kaasoo wareeggii 1-aad helay 44.9% codadkii la dhiibtay, halka Erdogan uu helay 49.5%.

Sinan Ogan oo kaalinta 3-aad galay, isla markaana helay 5.2% codadkii la dhiibtay ayaa toddobaadkii tagay taageeray madaxweyne Erdogan, taasoo sare u qaadday rejada uu kaga guulaysan karo mucaaradkiisa.

Erdogan oo muddo 20 sano ah ka talinayay dalkaas ayaa rejaynaya in uu noqdo hoggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah.

In ka badan 64.1 milyan oo Turki ah ayaa u diiwaangashan doorashada inay codkooda ka dhiibtaan, waxaana kamid ah 6 milyan oo markii ugu horreysay codeeyey 14-kii May, iyadoo sidoo kale jira 3.4 milyan Turki ah oo 20-24 kii May codadkooda ka dhiibtay dibedda.

Horseed Media