Wasaarada Waxbarashada oo Beenisay In Arday Reer Puntland ay Shahaado u Doonteen Muqdisho

Published: February 4, 2020

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar sheegayay in 150 oo reer Puntland oo deeq waxbarasho helay ay shahaado u doonteeen wasaaradda waxbarshada Federaalka iyagoo u ambaxay magaaladda Muqdisho.

Agaasimaha tacliinta sare ee Puntland, Maxamed Axmed Warsame Shirdoon oo shir jaraa’id qabtay waxaa uu sheegay inaysan jirin arday shahaado u doonatay Muqdisho, waxaa uu sheegay inay jiraan arday deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga oo ay ufududeeyeen Wasaaradda Puntland iyo shirkado gaar ah.

Agaasimuhu wuxuu ku eedeeyay wasaaradda waxbarashada Federaalka in ardayda Puntland laga qadiyay deeqo waxbarasho oo laga helay wadamada Shiinaha, Ruushka iyo Hindiya.

https://www.facebook.com/100009699663874/videos/1076492556017390/

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa taagnaa khilaaf u dhexeeyay wasaaradda waxbarashada federaalka iyo Puntland ee la xiriira imtixaanka shahaadiga iyo shahaadada Dugsiga sare ee federaalka. Khilaafkaas ayaa sababay in arday ka badan 5000 kun ay waayaan shahaadada dugsiga sare ee ay bixiso dowladda federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *