Wasaaradda Batroolka DFS oo raali-gelin ka bixisey khariidadii ay soo bandhigtey!

Published: October 26, 2024

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda federaalka ayaa cudur-daar iyo raali-gelin ay ka bixisey Khariidad khaldan oo ay ku soo bandhigtey munaasabaddii muhimka ahayd ee daahfurka sahminta shidaalka.

Wasaaradda ayaa sheegtey in khaladka ay gashey shirkadda u qaabilsaneyd qurxinta goobta ay xafladdu ka dhacaysey. Khaladka ugu eyn ayaa ahaa in Wasaaraddu ay horey u aragtey Banner-ka laakiin aysan ku guleysan in aan la dhejin, sida uu sheegay Waiirka Wasaaradda oo oo iganaya Agaasimaha guud.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Waxaan ka cudur-daaranynaa cilladihii farsamo ee soo baxay intii ay hawshu socotay, oo ay ka mid tahay sawirka khariiddada lagu soo bandhigay munaasabaddii soo-dhawaynta Markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid dhinaca shirkaddii qaabilsanayd qaabeynta iyo qurxinta muuqaalka xafladda waxa ay shirkaddu isticmaashay Khariidad aanan ahayn midkii saxda ahaa.h

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo saxaafadda la hadley ayaa diirada saarey a maqnaanshaha Khariidada ee Hirshabelle waxaana uu sheegay in la sameeyey xili aan la dhisin Hirshabelle, Wasiirka ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Siciid Deni in uu siyaasadeeyey Khariidada,isaga oo aan soo hadal qaadin in Waqooyiga Mudug khariidadu ka dhigtey mid lagu muran san yahay.

HORSEED MEDIA