Dowladda Federaalka oo soo bandhigtey Khariidad muran dhalisey

Published: October 26, 2024

Xafladd lagu soo dhaweynaayey markabka ORUC REIS ee sahminta shidaalkii oo maalintii jimacada lagu qabtey dekadda Muqdisho, ayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalku ku soo bandhigtey Khariidada dalka oo muran badan dhalisey.

Khariidadan ayaa Somaliland loogu yeeray Jamhuuriyadda iskeed isu magacaabtey taas oo si weyn uga soo horjeedey siyaasadda Dowladda oo ku tilmaantey kala goynta dalka in ay tahay fal argagixiso ah.

Isla khariidada ayaa gobolka Mudug ayaa loogu qaybiyey labo sida horey loo oogaa, laakiin dhanka Koonfureed waxaa lagu daray Galmudug halka dhanka Waqooyi loo calaamadiyey in uu yahay goob lagu muran san yahay oo la isku haysto, sidoo kale gobolada Sool iyo Sanaag ayaa lagu sheegay mid lagu muran san yahay. Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle (Cayn) ayey horey Dowladda Federaalku u aqoonsantey maamulka SSC in u ka taliyo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maanta furey kalfadhigii 55-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa arrintan soo qaadey waxaana uu ku tilmaamey nasiib darro iyo naxli kala fogeyneysa umadda Soomaaliyeed taas oo si uku talo-gal ah loo sameeyey.

“Dhulka Puntland ee gobolka Mudug meel lagu muransan yahay ma ahan, ciddii muran gelinaysa iyaday u taallaa, laakiin annaga aa noo cad yahay”, Madaxweynaha Puntland.

Deni ayaa sheegay in gobolka Mudug hal mid uu ahaa, laakiin dagaaladii dalka ka dhacay ay kala qaybiyeen Waqooyiga Mudug ay dhisteen Puntland 1998, Galmudug oo gadaal laga dhisey qaybteeda ay wada shaqeeyaan wax dhul ah oo muran ku jira oo u dhexyaalaa aysan jirin

Dowladda Federaalka ee Khariidadan soo bandhigtey ayaan ilaa hadda ka hadlin.

HORSEED MEDIA