Wasiir Beyle Oo La Kulmay Wasiirka Maaliyadda Turkiga

Published: December 22, 2020

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa dalkaas Lütfi_Elvan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isbedelka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii horay loogu sii wadi lahaa taageerada maaliyadeed ee Dowladda walaalaha nahay Turkiga ay siiso Soomaaliya.

“Wasiir Lütfi waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, Turkigu waa Saaxiib ka ugu muhiimsan horumarka Soomaaliya oo dhinac walbo leh”

Wasiir Beyle

Dowladda Turkiga waa saaxiibka ugu muhiimsan horumarka Soomaaliya oo dhinac walba ah,islamarkaana si hagar la’aan ah u garab istaagay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *