Wasiir Cabdullaahi: Heshiisyo 4 Qodob Ka Kooban Ayay Ku Heshiiyeen Labada Wasaaradood

Published: January 27, 2020

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku soo bandhigay Heshiisyo ay wadagaleen wasaaradda waxbarashada Fedraalka iyo Puntland Sanadihii 2015kii iyo 2017kii.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadalkii wasiirka waxbarshada federaalka Cabdullaahi Goodax Bare ee uu ku sheegay in ayan wasaaradiisa siin doonaan shahaadada dugsiga sare ardayda Puntland haddii ayan ka qaybgalin imtixaanka shahaadiga ah ee Federaalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in labada wasaaradood ay ku heshiiyeen in Puntland u madaxbanaan tahay qaadista imtixaanka shahaadiga ee Puntland, wasaarada waxbarshada Federaalkuna ay talo bixin iyo kormeer ku yeelato.

  1. Madaxbanaanida, dejinta, qaadista iyo sixida imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland sida ku cad heshiisyo dhowr ah oo ay wada galeen labada wasaaradood
  2. In Wasaaradda waxbarashada federaalku ay talo, kormeer iyo taageero dhaqaale ay ku yeelato qaadista imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.
  3. in shahaadooyinka lagu wareejiyo xafiiska imtixaanaadka Puntland ay yeeshaan tiro taxane ah meel ka bilaabmaysa meelna ku dhamaanaysa
  4. Labada wasaaradood waxay ku heshiiyeen raadinta iyo helitaanka iyo qaybinta deeqaha waxbarashada ee magaca ummada Soomaaliyeed lagu helo in lagu maamul cadaalad iyo hufnaan

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay wasiirka waxbarshada Federaalka inuu burbrinayo ama uu iska indho tirayo heshiisyadkii hore loo galay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *