Wasiir Cali-Xoosh oo bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda dalka

Published: July 27, 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Xil- Cali Yuusuf Cali – Xoosh oo khudbad ka jeediyey Madasha isku duwida Arrimaha Xasilinta Dalka ayaa ka hadlay sida Dowladda Soomaaliya ay hortabin u siiso howlaha Xasillinta ee laga fulinayo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Wasiir Cali – Xoosh ayaa ugu horayn bogaadiyey dedaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo Sheegay in dhamaan loo midoobo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta “Goobaha Khawaarijta laga xoreeyay waxaa ka socda hawl baaxad leh oo baahan midnimo iyo in laga wada shaqeeyo in dalladaasi ay miradhalaan”.

Sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahey adkaynta iyo xoojinta wadashaqaynta xasilinta ❞𝐊𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐧𝐚𝐠𝐚 𝐠𝐨’𝐚𝐧 𝐢𝐧 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐝𝐤𝐚𝐲𝐧𝐨, 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐧𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐥𝐞𝐞𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐧𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚❞.

Ugu dambeyntii waxaa uu ka hadlay howlgallada ka socda Jubbaland.

Horseed Media