Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne Soomaaliya.

Published: February 5, 2020

Amb. Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii Hore ee Warfaafinta DFS ayaa sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021, kaddib hadal heyn soo baxeysay bilihii la soo dhaafay. Wasiir Daahir ayaa shaaciyay in uu yahay Musharax Madaxweyne xili uu ku sugnaa Dalka South-Afrika waxa uuna soo bandhigay qorshahiisa siyaasadeed.

“Waxaa ahay nin siyaasi ah oo idin ku imid inan ahay Musharax oo hoggaanka dalkan hamiyay inaan qabto, waa ogahay Xildhibaannada ma tihidiin, laakiin bulshada soomaaliyeed Soomaaliya meesha ay taallo dhibka badan uu ka heysto baa tihiin, waxaa tihiin tayo soomaaliyeed oo dibadda ku nool, si kale haddii loo fiiryo in geeska afrika inta laga soo baqoolo koofurta afrika la yimaado waxay muujineysaa wax weyn oo Soomaaliya ka heysto,waxaas ayaa rabaa inaan saxo, sidii loo sixi lahaa taladeeda aan idinla wadaago”

Amb. Daahir Maxamuud Geelle.

Waa musharixii u horeeyey ee ku dhawaaqa in uu u taagan yahay doorashada 2021, iyada oo aan weli la aqoon qaabka ay noqon doonto doorashadu iyo xiliga ay dhici doonto.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *