Wasiir Juxa oo sheegay inaysan jiri doonin wax muddo ku darsasho ah oo ka dhaca Puntland

Published: October 24, 2022
Shares72

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo magaalada Gaalkacyo uga qeyb galay kulan lagu taageerayey barnaamijka dardargelinta Dimuqraadiyeynta ayaa shaaciyey damaca Madaxweyne Siciid Deni ee muddo kororsiga.

Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay inaysan Puntland ka suuragelin in muddo kororsi uu ka dhaco isagoo tilmaamay in waxa keliya ee la dhowrayo ay tahay in la qabto Doorashada ku beegan marka uu dhammaado Muddo xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweyne Deni.

“Ku darsi miyaa jira, Eregayaas waa lasoo celceliyaa, Madaxweynaha wuu ka jawaabay oo waxa uu sheegay in uusan jirin, ku darsi ma jiro oo suuragal ma ahan, waxaa jirto Doorasho oo Dowladda ay raadineysaa” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ku soo aadaya xilli ay aad u soo badanayaa wararka la xiriiri damaca Madaxweyne Deni ee muddo kororsiga maadaama dhammaan Madaxweynayaasha kale Dowlad goboleedyada dalka ay sameysteen muddo kororsi.

Horseed Media