Wasiirada Xannaanada Xoolaha ee DFS & Dowladaha xubanaha ka ah oo shir uga furmay Garowe

Published: November 30, 2022
Shares14

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxaa si rasmi ah uga furmay shirka Wadatashiga Wasiirada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha Xubanaha ka ah Federaalka ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Elay).

Shirka muddada uu socdo waxaa looga wada hadli doona wax ka qabashada caafimaadka Xoolaha dalka, u adkaysiga  Xoolaha ee abaaraha soo laalaabtay iyo sidii looga faa’idaysan lahaa xoolaha.

Dhammaan Wasiirada Waxa ay hoosta ka xariiqeen in uu shirkan ka soo baxo xal waara oo aynu ku badbaadinayno xoolahaha Soomaaliya loogana faa’idaysan lahaa cadkooda iyo caanahooda oo caafimaad qaba.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland Maxamed Cabdulaahi Axmed Libaaxe ayaa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyinta Wasaaradaha Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka 

Horseed Media