Wasiirka arrimaaha dibadda Abshir Cumar Huruuse oo Axadda safar ugu baxaaya Maraykanka

Published: September 17, 2022

Abshir Cumar Huruuse wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ee Axadda uu safar ku aado dalka Maraykanka, halkaas oo ay ku sugan yihiin wefdigii Madaxweynaha oo gaarey maalintii Khamiista.

Sheekada ugu weyn ee maalmahan la hadal hayey ayaa ahayd in Madaxweyne Xasan Sheekh ka tegey wasiirkiisi arrimaha dibadda, isla markaana kaxaystey Cali Balcad oo ah wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda, laakiin arrintu sidaas maaha.

Sababta ugu weyn ee safarku waxay ahayd in ay ka qayb-galaan shirka golaha Qaramada Midoobey ee 77aad, kaas oo dal-ku-galkiisa aysan dowaldda Maraykanku waxa hadal ah gelin karin, maadaama ujeedada safarku uu intaas ka ballaartey oo ay la kulmayeen madaxda Maraykanka ayaa loo baahdey waxyaabo dheeraad ah taas oo keentay in wefdiga qaarkiis dal-ku-galku (VISA) ka soo daahdo, waxaana kamid ahaa Abshir Cumar Huruuse wasiirka arrimaha dibadda kuwa sidaas ku dhacdey.

Sida horseed media loo sheegay maalinta berri ah ee 18 Siteembar ayuu ka baxayaa dalka Kenya.

Horseed Media