Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga oo 12 sano kadib booqasho ku tagay Suuriya

Published: April 19, 2023
Shares8

Madaxweynaha dalka Suuriya Bishaar Al-Asad ayaa magaalada Dimishiq ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan.

Booqashadan wasiir Faysal ayaa ah tii ugu muhiimsanayd ee weli lagu soo afjarayo go’doominta Suuriya ee tobanka sano socota, iyo xilli isu soo dhawaasho ballaaran uu ka jiro gobolka.

Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee diblomaasi sare oo ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uu ku tago Dimishiq tan iyo markii uu xiriirka burburay ka dib markii Bashaar Al-Asad uu xasuuq ba’an u geystay dibadbaxayaasha 2011-dii rabshado isu beddelay dagaal sokeeye oo toban sano socday.

Madaxweyne Assad ayaa sheegay in siyaasadaha furan ee dhabta ah ee boqortooyada ay ka faa’iideysteen gobolka, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Syria.

Horseed Media