Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya

Published: April 4, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Canada u qaabilsanaan doona Soomaaliya Christopher Thornely.

Wasiir Abshir Huruuse ayaa sheegay in labada dowladod ee Soomaaliya iyo Canada uu ka dhaxeeyo xiriir dheer oo iskaashi ah.

“Waddamada Soomaaliya iyo Canada waxaa ka dhexeeya xiriir dheer oo iskaashi iyo saaxiibtinimo, waxaana ku nool waddanka Canada jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran saamayn badanna ku leh labada waddan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa in dawladda Canada ay Danjire u soo dirsato Soomaaliya ay sii adkaynayso xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labadeenna dal.

Horseed Media