Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali xoosh ayaa…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali xoosh ayaa maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh oo uu wehliyey Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa ka warbixiyey arrimo ay ka mid yihiin; waxqabadka iyo Qorshaha Wasaaradda, Federaalaynta, Xasillinta iyo Dib u heshiisiinta.
Waxaa kale oo fadhigan ku sugnaa Maareeyaha hey’adda NIRA, Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NCRI.
Guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka, mas’uuliyadaha Wasaaradda iyo waxkaqababashada qorshayaasha iyo hortabinnada Wasaaradda.
Horseed Media