Wasiirka Cadaaladda oo furay shirka wadatashiga Qorshaha Istiraatijiyadda Asluubta

21 July, 2024

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay shirka Wadatashiga Qorshaha…

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta furay shirka Wadatashiga Qorshaha Istiraatijiyadda Asluubta Soomaaliyeed.

Shirkaan waxa ka soo qeybgalay Xeerilaaliyaha Guud ee qaranka iyo safiirka dowladda Mareykanka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Cadaaladda, sakaariil ka tirsan Garsoorka, Xafiiska Raysalwasaaraha, Wasaaradda Amniga iyo xubno bulshada rayidka ah.

Wasiir Xasan Macallin ayaa ka dhawaajiyay in nidaamka asluubta dalka uu wajahaayo culeys badan oo ay ugu horreyso xabsiyada oo tiro yar, ciriirina ah. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in aan muddo dheer awoodda la saarin horumarinta Asluubta sidaas darteed ajandahiisa koobaad uu yahay horumarinta iyo tayenta Asluubta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal weyn ugu jirta horumarinta guud ahaan caddaaladda, gaar ahaanna xabsiyadda dalkeena.