Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya oo ka qaybgalay Munaasabad lagu soo gebagabeynayay howlaha Xajka ee sanadkan

Published: June 26, 2024

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali {Abuu Mansuur} ayaa Magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo lagu soo gebagabeynayay howlaha Xajka Soomaaliya oo shaqadiisu soo socoto laga soo bilaabo Bishii September ee sanadkii hore.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jiddah, madaxda qaar ka mid ah shirkadaha arrimaha xajka Sacuudiga, madaxda shirkadaha iyo xamlooyinka adeegga xajka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda oo hadda socota ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinta dadaalkii bilaha badan qaatay ee xajka iyo guulaha laga gaaray sanadkaan adeegga xajka Soomaaliya waxaana la isugu hambalyeeyey mira dhalka dadaalkaas.

Munaasabadda ayaa abaal marino lagu guddoonsii doonaa Qaar ka mid ah shirkadaha iyo shaqsiyaadkii dadaalka sameeyey muddadii howlgalka xajku socday.

Horseed Media