Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Iyo Madax Kale Oo Gaaray Degmada Baraawe

Published: June 23, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiir Cabdiqaadir iyo masuuliyiinta kale ayaa ciidanka xoogga ku booqday difaacyadooda, waxayna ka waraysteen sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, iyagoo kula dardaarmay inay ciidamadu is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.

Horseed Media