Wasiirka Maaliyada Bayle oo la kulmay Agaasimaha Hay’ada IMF.

Published: February 29, 2020

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka Kristalina_Georgieva.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi uu la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina_Georgieva uu ahaa mid muhiim ah.

“Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sheegay in Dhammaan Caalamka iyo IMF ay u xaqiijinayo in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda. Bangiga Adduunka ayaa dhawaan ku dhowaaqay in uu dib u soo celiyay xiriirkii uu lahaa dowlada Soomaaliya kadib soddon sano oo aysan wax xiriir ah ka dhexeyn.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *