Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka oo shir uga qaybgalay Itoobiya

Published: October 3, 2023
Shares4

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika.

Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya oo furitaankii shirka ka hadley ayaa sheegay in mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Ma ahan markii ugu horeeyey ee Soomaaliya ka qaybgasho shir noocan oo kale ah ee dalalka geeskuisugu yimaadaan.

Horseed Media