Wasiirka xagjirka ah ee Israa’iil oo xoog ku galay masjid Al-Aqsa

Published: July 18, 2024

Siyaasiga midigta fog ee Israa’iil ahna wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir ayaa subaxnimadii Khamiista gudaha u galay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Quddus ee la haysto, waxaana ku hareeraysan ciidamo aad u tiro badan oo Israa’iiliyiin ah kuwaas oo sidoo kale u diiday Falastiiniyiinta inay booqdaan Masjidka barakaysan.

Wakaalladda Wararka ee Falastiiniyiinta ee Wafa ayaa sheegtay inuu Masjidka kasoo galay dhanka Galbeedka ee albaabka Al-Mugharbah Gate, kaasi oo inta badan ay adeegsadaan dadka sharci-darrada ah ee Israa’iiliyiinta ah si ay u galaan Masjidka.

Waa markii shanaad oo uu si qasab ah ku galo masjidka tan iyo markii uu noqday wasiirka Israel bishii December 2022.

Ben-Gvir, oo ah madaxa xisbiga midigta-fog ee Otzma Yehudit (Awoodda Yuhuudda), ayaa caan ku ah kicinta Israa’iiliyiinta inay weeraraan masaajidka.

Horseed Media