Wasiiro ka tirsan DFS oo gaaray Magaalada Baraawe.

Published: March 9, 2020

Wafti Woo uu hogaaminayo Wasiiro a Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre Qaybna ay ka yihiin wasiirka Arimaha Gargaarka, Wasiiru-dawlaha Xafiiska Raysal-wasaaraha, Safiiro iyo madax kale ayaa gaaray Magaalada Baraawe.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.

“Waxaan maanta Safar aan ku nimid aniga iyo Wasiiro ka tirsan XFS, degmada baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur galbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.


Wararka hoose oo soo baxayay ayaa sheegaya in wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ay hordhac-u-yihiin masuuliyiinta gaary Magaalada Baraawe.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *