Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatey weerar ka dhacay suuq ku yaala Sydney, Australia

Published: April 13, 2024

Boqolaal qof ayaa laga daadgureeyay xarun laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Sydney, kadib markii nin ku hubeysan mindi uu weerar ku qaadey

Booliiska Australia ayaa sheegay in 6 qof ay ku dhinteen weerar tooreey ah oo lagu qaaday xarun laga dukaamaysto oo ku taal magaalada weyn ee Sydney, 7 qof oo kalena lagu dhaawacay, iyadoo qofka looga shakisan yahay in uu weerarka soo qaadey boolisku toogteen oo isla goobta uu ku naf baxay.

Weerarka ayaa ka dhacay dhismaha suuqa weyn ee isgooyska Bondi ee Westfield, iyadoo boqolaal qof loo sheegay inay goobta isaga cararaan.

Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha weerarka geystey ee boolisku toogtey uu keli ku ahaa weerarka, ka dib markii warar hordhac ah ay soo baxeen in laga yaabo in ay jiraan laba qof oo weerarka geystay.

Waxaa kaamarooyinka laga arkaayey nin xiran dharka isboortiga oo mindi dheer ku hubeysan. Boolisku weli ma shaacin magiciisa iyo qawmiyadda uu ka soo jeedo.

Booliska ayaa sheegay in ay ninkaan garanayaan, xaaladda uu geystey aysan ahayn mid argagixiso ama aragti ku dhisan, waxay da’diisa ku sheegeen 40 jir, qaar kamid ah warbaahinta gudaha ayaa ku sheegay magiciisa Benjamin Cohen.

Wargeyska maalinlaha ah ee Sydney Morning Herald ayaa sheegay in 6 qof ay ku dhinteen weerarro mindi loo adeegsaday, kadibna boolisku toogteen ninkii weerarka geystey, taas oo dhimashada ka dhigeysa 7 qof.

HORSEEDMEDIA