Weerar ka dhacay caasimada Cumaan ee Muscat

Published: July 16, 2024

Afar qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow masjid ku yaalla caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, sida ay booliska sheegeen maanta oo Talaada ah.

“Booliska Boqortooyada Cumaan ayaa ka jawaabay dhacdo toogasho ah oo ka dhacday agagaarka masjid ku yaal aagga Al-Wadi Al-Kabir,” booliiska ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad ka cararaya agagaarka Masjidka Imaam Cali, iyadoo rasaastu ay dhacayso.

Weerarkan oo kale ayaa ah mid naadir ku ah dalkaasi Cumaan oo xiliyadii danbe ciyaarayey door muhiim ah ee dhexdhexaadinta colaadaha ka jira gobolka Barriga Dhexe.

Horseed Media