Weerar ku billowday Qaraxyo oo lagu qaaday guri ku yaalla Magaalada Muqdisho

Published: February 21, 2023
Shares2

Weerar ku billowday Qaraxyo culus ayaa Kooxo hubeysan waxay ku qaadeen guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Guriga la weeraray ayaa sida la sheegay waxaa ku sugan in ka badan 10 ka mid ah ciidamada dadka degaanka ee loo yaqaan Macawisley.

Ciidamadan ayaa ku soo dhaawacmay dagaalladii dhowaan Ururka Al Shabaab lagula galay Gobolka Hiiraan.

Rasaas xoogan ayaa ka socota gurigan kaabiga ku haya dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Degmada Cabdicasiis.

Horseed Media