Wefdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka ayaa gaadhey Laascaanood

Published: September 14, 2023

Wefgdi aad u ballaaran oo gaaraya ilaa 40 xubnood oo isugu jira wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood.

Wefdiga waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka SSC-Khaatumo.

Ujeedada safarka masuuliyiinta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay mid taageero ah oo loo muujinaayo reer Sool. Qaar kamid ah wefdiga oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in ay u kuur geli doonaan xaaladda gobolka guud iyo sidii dowladda federaalku u taageeri lahayd.

Maamulka SSC-Khatumo ayaa ku guuleystey in ay iska dulqaadaan ciidamada Somaliland oo muddo 8 bilood ah magaalada Laascaanood duqeynaayey.

SSC-Khaatumo ayaa hadda dhamaystirtey maamulkii deegaankaas, iyada oo maalintii Salaasada lagu dhawaaqey golaha xoghayahaasha ee maamulka SSC-Khaatumo.

Somaliland ayaa markii looga adkaadey dagaalkii bilowdey in ay ciyaarto filim bilowdey sanadkii 2001 kaas oo hadda dhamaadey oo ah argagixiso ayaa joogta Laascaanood. Booqashada wefdigan iyo kuwo hore waxay caddeynayaan sida ay dadka reer Sool uga go’an tahay in ay ilaaliyaan nabadooda kana tashadaan aayahooda, dhulkaasna u yahay mid ka caagan argagixisada.

Horseed Media