Published: August 16, 2020
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/08/EfjzQb0WoAA06ar.jpg)
Wefdi uu hogaaminaayo siihayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaarey gobolka Gedo halkaas oo u tegey in dugsi sare uu soo dhagax dhigo.
Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagula eegtey meel u dhaxaysa Doollow iyo Beled Xaawo, waxaana burbur xooggan gaarey mid kamid ah gawaaridii wefdigu watey, waxaana dhaawac ka soo gaarey Xildhibaan Cabdicasiis Dhegaqool.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarka loo adeegsadey miinada dhulka lagu qariyo.
Horseed Media