Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaas uu qabay hoggaamiyihii kooxda…
Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaas uu qabay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay, Abu Bakar al-Baghdadi, kaddib markii lagu eedeeyay inay ka qeyb qaadatay xabsiga haween Yazidi ah, sida ay Arbacadii shalay sheegtay waaxda garsoorka.
Asma Mohammed, ayaa dib loogu soo celiyay dalka Ciraaq kadib markii lagu xiray dalka Turkiga, ilo dhanka garsoorka ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP iyagoo qarinaya magacooda sababtoo ah looma ogola inay saxaafada la hadlaan.
“Maxkamadda Galbeedka Baqdaad ee dambiyada ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xaaska Abu Bakar al-Baghdadi oo lagu helay dambi ah inay la shaqaynaysay kooxda argagixisada ah [ISIS] iyo inay gurigeeda ku xidhay haween Yazidi ah,” Golaha Sare ee Garsoorka ayaa ku sheegay boggooda internetka.
Bishii Nofembar 2019, Turkiga ayaa sheegay in ay xireen xaaska al-Baghdadi, oo warbaahinta Turkiga ay ku sheegtay magaceeda Asma Fawzi Mohammed al-Qubaysi.
Ciraaq ayaa bishii Febraayo ku dhawaaqday inay xaqiijisay “dib u celinta qoyska” al-Baghdadi, iyadoo ilo garsoor ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP in xaaska al-Baghdadi, “ku xiran tahay Turkiga” lana soo celinayo iyada iyo caruurteeda.
Horseed Media