Xadka Liibiya iyo Tunisia oo la xiray kadib isku dhacyo

Published: March 19, 2024

Tunisia iyo Libya ayaa xiray marinka weyn ee xudduudda ee Ras Jedir sababo la xiriira iska horimaad hubeysan, sida ay sheegeen TV-ga dowladda Tunisia iyo mas’uuliyiinta Liibiya.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Liibiya ayaa qoraal ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in “burcad hubeysan” ay weerareen xudduudda oo ay isticaamaalaan shacabka Liibiya ee u socda Tunisia si loogu daweeyo iyo baabuurta xamuulka ee sida badeecooyinka.

Barta xudduuda ah ee ku taal degaanka saxaraha ah ee Ras Jedir oo qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) u jirta caasimadda Liibiya ee Tripoli, waa xuduuda ugu muhiimsan ee ay isaga kala gudbaan shacabka labada waddan.

Sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, iska horimaad hubeysan ayaa habeenkii Isniinta ku dhex maray kooxaha hubeysan ee ka taliya Ras Jedir iyo ciidamada ammaanka ee Tripoli ay u dirtay.

Idaacadda Tataouine ee Tunisia ayaa sheegtay in Tunisia ay xirtay marinka si loo ilaaliyo amaanka muwaadiniinta u socda Liibiya.

Kooxaha hubeysan ee magaalooyinka aagga xudduudda ayaa sanado maamulayay Ras Jedir, iyaga oo ka faa’iidaysanaya ganacsiga xadka.

Horseed Media