Xamaas oo ka digtay duulaanka Israel ee Rafah inuu halis gelin doono wadahadalada

Published: February 11, 2024

Xamaas ayaa uga digtay Israa’iil maanta oo Axad ah in weerar lagu qaado koonfurta Gaza ee Rafah, uu halis gelin doono wadahadalada ku saabsan sii deynta la haystayaashii lagu qabtay weeraradii 7-dii October.

“Weerar kasta oo ay ciidamada Israel ku qaadaan Rafah waxa uu wiiqi doonaa wada xaajoodka is dhaafsiga maxaabiista,” ayuu yiri hogaamiye ka tirsan kooxda Falastiniyiinta, xilli Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray in uu kordhin doono howlgallada.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa toddobaadkan sheegay in ciidammadooda ay isu diyaarinayaan inay galaan Rafah, deegaankaasi oo ay ku sugan yihiin malaayiinka shacabka Gaza ee guryahooda la burburiyey.

Ilaa 1.4 milyan oo qof — ku dhawaad kala bar dadka reer Gaza — ayaa u qaxay Rafah, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku nool yihiin bannaanka ama teendhooyinka, goobahaasi oo ay cuntada, biyaha iyo sahayda caafimaadku aad ugu yar tahay.

Dowladaha shisheeye, oo ay ku jiraan xulafada ugu weyn ee Israa’iil ee Mareykanka, iyo hay’adaha Caalamiga sida Qaramada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay saameynta uu weerarkaasi ku yeelan doono dadka rayidka ah ee barakacay.

Horseed Media