Xamaas oo soo deysay muuqaal cusub ee mid kamid ah Israa’iiliyiinta ay qafaasheen

Published: May 11, 2024

Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa soo saaray muuqaal muujinaya nin Israa’iil ah oo kamid ah la’heystayaasha nool oo ay weli gacanta hayso.

Maxbuuskan ayaa lagu magacaabaa Nadav Popplewell oo 51 jir ah, kaas oo laga soo qafaashay kibbutz isaga iyo hooyadii bishii Oktoobar 7-dii ee sannadkii hore.

Popplewell ayaa muuqaalka cusub ku sheegay magaciisa iyo meesha uu kasoo jeedo, kaasoo soconaya kow iyo toban ilbiriqsi.

Muuqaalkan oo kusoo baxay af Carabi ayaa sidoo kale lagu tarjumay Luuqda Hibruuga: isagoo yiri “Waqtigu wuu sii dhammaanayaa, dawladdeena (Israa’iil) been bay sheegaysaa.”

Waa markii saddexaad oo garabka hubaysan ee Xamaas, guutooyinka Al Qassam, ay shaaciyaan muuqaalka la haystayaasha.

Sida laga soo xigtay maamulka Israel, Xamaas ayaa weli gacanta ku haysa 128 la haystayaal ah oo u dhashay Israa’iil, inkastoo ugu yaraan 36 kamid ah la sheegay inay ku dhinteen duqeynta Israa’iil. 105 kale oo la haystayaal ah ayaa la sii daayay intii ay socotay xabbad joojin muddo gaaban jirtay bishii November.

Horseed Media