Raysalwasaare Xamse oo Muqdisho Ka Daahfurey Sanduukha Nabadda iyo Xasilloonida Dalka

Published: September 13, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Sanduukha Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Dowladda Soomaaliya iyada oo taageero ka helaysa Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey xafladda daahfurka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduukha TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummadiisu siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduukha TPSS ku tilmaamay hindise wanaagsan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduukha TPSS. Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala.

Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduukha TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasibadda daahfurka Sanduukha TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Horseed Media