Xarunta shirkadda Fadhisame ee Boosaaso oo gubatey

Published: July 12, 2023
Shares58

Sida warar hordhac ah xaqiijinayaan wax yar ka hor salaadii subax ee maanta oo Arbaca ah ayaa qarax ka dhacay xarunta iibinta qalabka guryaha iyo korontada ee fadhisame ee magaalada Boosaaso.

Xarunta ayaa ka koobneyd saddex dabaq, waxaana dabku wada gaarey inta badan dhismaha oo dhan, ciidamada amaanka ee PSF ayaa goor hore soo gaarey xarunta si ay amniga u sugaan qaybna uga noqdaan dameinta dabka iyaga oo wata booyado, sidoo kale waxaa dabdemiska ka qayb-qaatey shirkadda isgaarsiinta ee Golis, waxaana goor danbe oo subaxnimadii ah lagu guuleystey in dabka la xakameeyo.

Ma cadda weli sababta dabku u dhashey, waxaana warar ku dhaw laamaha amnigu sheegayaan in ay u badan tahay in ay dabka fuliyeen ururada argagaxisda ah oo dalbanaya lacago baad iyo canshuur ah shirkaddii aan bixina ugu hanjaba in ay gubayaan.

Dhismayaasha ku soo badanaya dalka ayaa ah kuwo u nugul in dabku si degdeg ah u faafo marka la eego dhismayaashii hore, waxaana sidaan oo kale ahaa xarunta shirkadda al-Macruuf oo dhawaan Boosaaso lagu gubey.

KHASAARE KALE

Ilaa hal qof ayaa ku geeriyoodey 7 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii gaari nooca dabka demiya ah uu goostey bareega halkaasna dadka ku derderay.

Horseed media