XFS oo digniin ka soo saartay fuustooyin ku soo caariyay xeebta degmada Cadale

Published: February 27, 2023
Shares22

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay fuustooyin ku soo caariyay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hir-Shabeelle.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in fuustooyinkaas ay muddo badan yallaan degmada Cadalle, isla markaana dadka degaanka ay walaac badan ka muujiyeen, iyaga oo uga shakiyay inay kujiraan waxyaabo kiimiko & sun ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay xiriir la sameysay maamulka degmada Cadale,, isla mmarkaana isla meel dhigaeen in si kumeelgaar ah loo xiro aagga ay fuustooyinku yaallaan inta baaris rasmi ah looga sameynayo si loo hubiyo badqabka bulshada iyo deegaanka.

Ugu dambeyn Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka deegaanka fartay in ay ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jira, si loo ilaaliyo Bedqabka cafimaad ee bulshada dagan Cadale.

Horseed Media