XFS oo digniin u dirtay maraakiib si sharci darro ah uga kalluumaysanaya xeebaha dalka

Published: March 6, 2023
Shares34

Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in cadeymo laga helay xarunta la socodka kalluumeysiga ay muujinayaan in maraakiib badan oo kalluumeysi oo laga keenay dalal shisheeye ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayaan biyaha Soomaaliya.

Caddeymahaas ayay wasaaraddu sheegtay inay tilmaamayaan in maraakiibtaasi ay ka howlgalayeen Aagga dhaqaale ee gaar ah, (EEZ) tan iyo bishii Jannaayo 2023.

“Tani waxa ay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan sharcigeenna kalluumeysiga, kaydka kalluunka iyo welwelka joogtada ah ee ku aaddan horumarka dhaqaale ee sugnaanta cuntada ee deegaanka badda ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda Kalluumeysiga waxay xaqiijisay in dhammaan maraakiibta kalluumeysiga ay si sharci darro ah u maciinsanayeen, isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan gelitaanka iyo shatiga kalluumeysiga oo ay ka haysteen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu ayaa sheegtay inay dejisay habraacyo, xeerar iyo xeer-hoosaadyo qeexaya shuruudaha iyo habraacyada sharciga ah ee soo saarista ruqsadaha kalluumaysiga shisheeye, waxayna caddaysay in waxa loo yaqaan waraaqaha ansixinta  aanay ahayn sharci looga kalluumeysan karo Biyaha badda Soomaaliya.

Wasaaaradda kalluumaysiga waxay dhammaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga shaqeysta biyaha Soomaaliya ku amartay in ay si degdeg ah uga baxaan aagga dhaqaale ee gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), ayna u hoggaansamaan sharciyada caalamiga ah (International law).

Sharcigan ayay wasaaraddu tilmaamtay inuu waajib ka dhigayo in ay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya ay u bixiyaan magdhowga hantida kalluunka ee ay sida sharci darada ah uga qaateen aagga badeedka EEZ.

Hadii kale waxa ay sheegtay inay mutaysan doonaan ciqaab iyo dacwayn ay ku soo oogto Dowladda Soomaaliya.

Horseed Media