XFS oo ka war bixisey howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ahaa Al-shabaab

Published: April 5, 2023
Shares12

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee todobaadkaan iyo guulihii ay gaartay dowladda Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in howlgal todobaadkan ka dhacay duleedka Baydhaba lagu dilay 14 ka tirsanaa Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday ciidanka Dowladda.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta ayaa shaagay in ay sii kordheen tirada xubnaha kasoo goosanaya kooxda ee isku soo sii dhiibayo dowladda federaalka.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys ayaa sheegay in xubno badan oo ay ku jiraan horjoogyaaal ay iska soo dhiibeen deegaanada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Horseed Media