Xiisad dagaal oo ka taagan magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan

Published: April 15, 2023
Shares2

Iska hor imaad u dhexeeya ciidanka Birmadka ee RSF ta loo yaqaan iyo ciidanka Mileteriga ee dalka Suudaan ayaa tan iyo saaka ka socdo magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Ciidanka Birmadka ee RSF ayaa ku doodaya in la soo weeraray fariisin ay ku lahaayeen Waqooyiga magaalada halka dawladduna ay ciidankan ku eedanayso in ay soo dhaafeen xeryohoodii.

Garoonka diyaaradaha ee caasimadda Khartuum ayaa gebi ahaanba aan shaqayn maaddama oo ay cabsi xooggani taagan tahay.

Waxana guud ahaan dariiqyada magaalada lagu soo daadiyey ciiddamo kala duwan oo aad u hubaysan, Iyada oo hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayo daafaha magaalada.

Tan ayaa imanaysa xilli ay si weyn u sii kala foganayaan madaxda Golaha sare ee haya talada dalka Suudaan kuwaas oo isku maandhaafay habka loo wadayo hawsha kala guurka ah ee waddankaasi ku sugan yahay.

Horseed Media