Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay tahay , doorashada Madaxweynaha, dib u eegista dastuurka iyo xeerka qoondada miisaaniyadda, sida uu qabo Dastuurku, sidaas darteed in ay ka wadashaqeeyaan xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku waa mid aan sharci ahayn waxaana iska leh guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo keliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka mid jeebka ugu jira madaxtooyada.
Xil. Cabdiraxmaan ayaa yiri:
Dastuurku wuxuu dhigayaa in labada aqal ee Baarlamaanka ay hawl wadajir ah qaban karaan oo keli ah marka;
- Doorashada Madaxweynaha
- Dib u eegista Dastuurka iyo
- Xeerka qoondada miisaaniyadda oo ay labada aqal ku heshiiyeen.
Sababtoo ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo dhisay in sharciyadda iyo xeerarka ka soo gudba Golaha Shacabka uu turxaan-bixiyo, kana eego danta shacabka guud ahaan iyo tan dowlad goboleedyada ay matelaan.
Tan kale, waa sharci daro in guddi ku meelgaar ah (Ad hoc committee) la dhiso, iyada oo aan sharciyada loo xilsaaray aan Golaha la horkeenin. Waxay ahayd in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka loo geeyo, haddii markaa ka dib ay baahi keento Guddiga ku meelgaarka uu Guluhu ansixiyo.
Guddoonka Golaha Shacabka hore ayey jeebka Madaxtooyada ugu jireen, waxayna ku caanbaxeen ku tumashada Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha, waxaase wax laga xumaado ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi oo rajo laga lahaa uu ku biiray kooxdaas.
Durbaanka la xadayo halkii lagu yeerin lahaa ayaan sugaynaa.