Taliska AFRICOM ayaa maanta xaqiijiyey in Salaasadii ee todobaadkii la soo dhaafey diyaarad milteri uga burburtey Koonfurta Soomaaliya.
Diyaaradaha milteriga ee aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa horaantii todobaadkan ku burburtay Koonfurta Soomaaliya, sida ay manta oo Jimce ah xaqiijiyay taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM.
War qoraal ah oo Africom ka soo saartay dhacdadan oo lagu qoray barta X, ayay ku sheegtay in Talaadadii, diyaarad nooceedu yahay MQ-1C ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ay ku burburtay abaarihii 12.40am habeenimo xilliga Soomaaliya meel kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay in baaritaan uu socdo, inkastoo shilkan uusan u muuqan mid ka dhashay isku day lagu doonayay in lagu soo rido diyaaradda.
Goobta diyaaraddu ku burburtey waxaa gacanta ku haya ururka al-Shabaab.