Xildhibaan Cusub Oo Ku Biiray Golaha Wakiilada Puntland – VIDEO

Published: October 26, 2020

Kalfadhiga 47-aad ee golaha wakiillada Puntland oo uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan labadiisa ku-xigeen Cabdicasis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolanshaha xubinnimada Xildhibaan cusub iyo ajandaha Kalfadhiga 47-aad.

Ayuub Nuur Muuse (Riyaax) ayaa maanta Maxkamadda sare ee Puntland si rasmi ah ugu dhaarisay ka mid noqoshada xubinnimada golaha wakiillada Puntland, kadib markii booskaasi uu baneeyey alle ha u naxariistee Daa’uud Nuur Muuse oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dasuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada 5-aad iyo Qodobkiisa 42-aad farqada 1-aad, waxaana lagu wadda in maalina berri ah si rasmi ah loo ansixiyo.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *