Xildhibaan cusub oo loo dhaariyey ka mid noqoshada golaha wakiilada Puntland.

Published: July 17, 2023
Shares12

Fadhigii Golaha wakiilada Puntland ee maanta Isniin ah waxaa lagu dhaariyey Xildhbaan cusub oo lagu magacaabo Yusuf Jaamac Yaasiin kaas oo beddelaya aabihii Jaamac Yaasiin Jaamac oo dalka Hindiya ku geeriyoodey bishii hore ee Juun.

Xildhibaanka cusub ayaa ka mid ah 21 xildhibaan ee gobolka Bari. Xildhibaan Axmed Cabdulle oo ka hor dhaarinta hadal kooban jeediyey ayaaa sheegay in Xildhibaankan cusub uu soo marey dhamaan habraacyadii uu aabihiis ku fadhiyey kursiga, kadib garsoore ka socda Maxkamadda sare ayaa xilka u dhaariyey.

Golaha wakiilada ee 2018-2023 ayaa noqdey golihii ugu beddelka badnaa taariikhda goloha wakiilada ee Puntland, qiyaastii xildhibaano ku dhan 20 ayaa isbeddel ku yimid, kuwaas oo beddeley kuwo baarlamaanka laga saarey, qaar geeriyooday iyo kuwo iskood isu casiley.

Muddo xileedkii golaha Wakiilada ayaa ku eg 31 Diseembar 2023, ilaa hadda xal lagama gaarin xildhibaanada kuwaan beddalaya qaabka ay ku imaanayaan, iyada oo muran badan ka taagan yahay wakhtiga harsan iyo damaca Madaxweynaha ee ah in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo u baahan wakhti dheeraad ah.

Horseed Media