Xildhibaan ku eedeeyey Guddoomiyaha G. Banaadir in uu sharciga baal maray

Published: September 4, 2023
Yuusuf madaale
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yusuf Madaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale (madaale) oo maalintii shalay ka hadley banaanbax lagu taageerayo ciidamada qalabka sida ee weiga labaad ee dalka looga xoreynaayo al-Shabaab, ayaa sheegay in mushaharka shaqaalaha gobolka Banaadir oo ku dhaw 1000 qof loogu deeqayo bishan Spetember ciidamada xoogga dalka.

Xildhibaan Mursan Khaliif

Xildhibaan Mursal Khaliif oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda ayaa bartiisa X ku sheegay in uu si weyn u soo dhaweynaayo si kasta oo loola diririaayo al-Shabaab, lakaiin loo baahan yahay in aan marna laga bixin xayndaabka sharciga, sidaas darteed go’aanka Madaale waxa uu meel uga dhacayaa xuquuqda shaqaalaha, sidaas darteed ayuu yiri waa mid baal marsan sharciga.

Qaar kamid ah shaqaalaha gobolka Banaadir oo saxaafadda kula hadley in aan magacooda la xigan ayaa yiri Guddoomiyaha caadifad ayaa qaadey meel go’aankaas lagu qaatey ma jirin, mana aan awoodno in aan mushahar la’aan ku shaqeyno, waa dhici kartaa in wax la iska gooyo qoonod ah laakiin shaqaaluhu waa dad masaakiin ah oo ku xiran mushaharka yar ee ay helaan ayuu yiri.

Horseed Media