Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka maalgashiga

Published: March 1, 2023
Shares36

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan Ajendahiisu ahaa ansixinta hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’ iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha.

Sidoo kale ajendaha maanta ee Goolaha waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga.

Sharcigaan waxaa u codeeyey 145 Xildhibaan, halka laba Xildhibaan ay ka aamustay, wax diidayna ma jirin.

Horseed Media