Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista & la socodka dastuurka

Published: March 11, 2023

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Kulankan uu shir gudoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa looga dooday Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulanka ku ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo la socodka dastuurka.

Guddigan waxaa ogolaatay 143-Xildhibaan oo ah tirada kulanka uu ku furmay, mana jirin qof diiday ama ka aamusay.

Horseed Media